ka socda Machadka Somaliland ee barashada culuumta baananka iyo maaliyadda (SLIBF) ayaa safar shaqo ku tagay qaar kamid ah Laamaha Baanka Dhexe ee Gobolada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Boorama,Gabilay iyo Wajaale. Wafdiga waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Machadka, Dr. Fathu-Rahman Abdallah Mohammed iyo Gud. Ku-xigeenka Machadka Dr. Suleiman Barkhadle Muuse, oo ay wehelinayeen xubno kale oo ka mid ah hawl-wadeenada Machadka.
Ujeedada safarkani waxay ahayd wacyi-galin iyo xog-gaadhsiin la xidhiidha adeegyada waxbarasho iyo kuwa xirfadeed ee Machadku bixiyo. Adeegyadan waxay iskugu jiraan kuwo uu Machadku hal-abuurkiisa leeyahay iyo kuwo caalami ah oo uu marti galiyo.
Kulamadan xog-waramida ah waxaa kasoo qayb-galay Shaqaalaha iyo Maamulka Baananka gobolladaas.
Ugu danbayntii, kulamadaas waxay ku soo idlaadeen guul, iyadoo Maamulayaasha iyo Shaqaalaga kaleba ay ka mahadceliyeen booqashada maamulka Machadka. Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin qaadashada aqoonta Machadku u wado si ay ula jaanqaadaan baananka kale ee dhigooda ee caalamka.